Madaxweyne Farmaajo “ololaha dalkaagaa wax u qabso anigaa bilaabaya ee aan u istaagno”

WAAJIDPRESS – 16 MAY 2017:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dadkii munaasabadda yimid kaa codsadey in ay u duceeyaan dhallinyaradii SYL ee Halgalkii gobonnimada bilowdey, Taariikhdeenna kaama go’i doonta.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay dibaatada Qabyaaladda leedahay, waxa uu ummadda Soomaaliyeed u soo jeediyey in ay ka fogaadaan Qabyaaladda. Waayo Qarankeenna ma dhiso ee waa uu dumiyaa.

“Fadhiga ha laga kaco, dowladda diyaar ayeey u tahay in ay awood siiso dhallnyarada Soomaaliyeed, dowladda iyo shacabka ma doonayo in dhexdeena la gelo, si midnimadeena muuqata aan u xoojinn idinkana sii wada taageerada dowladdiina aad u heysaan, caasimadda Soomaaliya afarta sanno gudaheed waxaa naga go’an inaa ka soo saarno magaalada Africa uu quruxda badan uguna nadaafadda badan, sidoo kalena aan ka shaqeynno hirgelinta adeegyadiii bulshada, shacabka Soomaaliyeed xoogga haa saaraan sidii aan uga guuleysan lahayn kooxahaan nabadda diiddaan, dhowaanna dalka oo dhan ayaaan ka saareynaa” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha Soomaaaliya, ayaa ugu baaqay shacabka in ay bixiyaan canshuurtaa, laakiin waxa uu xusay in magaca canshuur la badeli doono haddii uu Barlamaanka ogollaado oo aan u bixinno Qaaraan Qaran.

“Saddexda bilood ee aan joogno waxaan qabannay, inaan bixinay mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha Rayidka ee dowladda, waxaan bilowney inaan soo celinay Karaamadii ummaddeenna oo dalalka adduunka dhan ay noo muujiyeen in ay diyaar u yihiin u istaagidda wax wada qabsi buuxa, shacabka Soomaaliyeed dowladdaan waa middii shacabka, ugu dambeyn waxaan soo jeedinayaa magaalada markaa aragtaan meel walbaa wasakh ayaa taalla, waxaan bilaaabeynaaa ololaha dalkaaga wax u qabso, bishii laba saac kaliyah arrintaan aan ka shaqeynno anigaana bilaaabaya INSHA ALLAH, waxaan kaloo soo jeedinaayaa in maalinta 15-ka May loo asteeyo Maalin Qaran oo fasax ah” ayuu ku dhammeeyey madaxweynaha hadalkiisa.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: