Ra’iisal Wasaare Khayre oo Doha kula kulmay Wasiirka arimaha dibadda Norway

WAAJIDPRESS – 16 MAY 2017:

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Somaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah kula yeeshay Magaalada Doha ee dalka Qatar, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Norwey Børge Brende, waxayna ka wada hadleen arrimo ku aadan horumarinta xiriirka labada wadan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal ee soo jireenka ah. Waxaana uu si weyn uga mahad celiyey doorka suuban ee ay dawladda Norway ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya. Isagoona soo dhoweeyey sida dawladiisu ay xilligan ugu heelan tahay in ay gacan ka gaysto dadaalada lagu xasilinayo dalka iyo dhismaha dawladnimada Soomaaliya.

“Xiriirka u dhexeeya labada dawladood waa mid aad u xoogan, taageerada ay Norway u fidiso Soomaaliyana waa mid sahlaysa dib¬-u–dhiska dalka, kadib, burburkii xooganaa ee ku dhacay dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Kheyre Kheyre ayaa kulankii uu la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norwey Mr. Børge Brende uga warbixiyey xaaladaha dalku marayo, iyo horumarada ay dawladdu ka samaysay dhanka dawlad wanaagga iyo nabad ku soo dabaalidda guud ahaan dalkeenna.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: