War deg deg ah: HESHIIS WAX KU OOL AH AY MAANTA MAGAALADA GAROONKA KU SIXIIXDEEN MAAMULKA PUNTLAND IYO WAKIILADA SHACABKA DIGIL IYO MIRIFLE EE KU NOOL PUNTLAND

WAAJIDPRESS – 17 MAY 2017:

Kulan mudo dhowr Maalin ah socday una dhexeeyay Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo Wakiilada iyo Odayaal Dhaqameed ka soo jeeda BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE ee degan deegaanada PUNTLAND, ayaa maanta la soo gaba gabeeyay iyadoo kulankaas laga soo saaray qodobo dhowr ah oo Labada dhinac si wadajir ah u soo saareen.

Kulanka oo ka socday Magaalada Garoowe ayaa waxaa puntland Wakiil uga ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar(Cameey) halka BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE ay wakiil uga aheeyeen Ganacsato iyo ODAYAASHA iyo Wakiilo ay iska soo xuleen waxgaradkooda ku dhaqan  Puntland.

Hadaba Hoos Ka Akhriso Qodobadii lagu heshiiyay:

1: In ammaanka si wadajir ah looga shaqeeyo oo loo sinaado iyo In la is aamino.
2: In shacabka BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE ee ku nool deegaanada Puntland ay leeyihiin xaquuq la mid ah shacabka Puntland – taas oo ay ku jirto (Saamiga dowlada Puntland iyo dhamaan ilaha dhaqaalaha ee PUNTLAND).
3: In wixii dhibaato ku ah dalka iyo dadkaba la iska qabto, sidoo kalena in wax laga qabto wax kasta oo ay tirsanayaan ama ay tirsan doonaan.

 

4. In labada Bulsho ee ku NOOL deegaanada PUNTLAND  si buuxda isku dhex gelaan – filo video.

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: