War deg deg ah: Akhriso ka dib DAAWO: Qarax Maanta Muqdisho ka dhacay

WAAJIDPRESS – 17 MAY 2017:

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in goor dhow uu dhacay qarax aad u xoogan, qaraxaasi oo ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.
Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay meel ku dhow Saldhiga Degmada Wadajir, ka dib markii gaarigan oo waxyaabaha qarxa ka buuxaan ciidamada ammaanka ay qabteen.

Saraakiil ka tirsan Nabad Suggida Somaliya, ayaa Dhacdo.com waxa ay u xaqiijiyeen in gaariga oo yaalay bannaanka Saldhiga Degmada Wadajir markeliya uu qarxay.

C/fitaax Cumar Xalane, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay ka hor inta aanu gaariga qarxin, in ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada ammaanka.

Saddex ka mida ah ciidamada miino baarista, ayaa la sheegay in ay qaraxaasi ku geeriyoodeen.

Jugta qaraxa ayaa si weyn looga maqlay qaybo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Hay’adaha ammaanka dowladda ayaa ku dadaala xaqiijinta ammaanka Muqdisho, balse waxaa dhaca badanaa falal liddi ku ah xasiloonida – DAAWO:

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: