DAAWO ka dib Akhriso: GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA Prof. JAWAARI OO MAANTA KENYA KULA KULMEY DEEQ BIXIYEYAASHA CAALAMKA

WAAJIDPRESS – 18 MAY 2017:

Hotelka Southern sun Mayfair ee magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu qabtay shir u dhaxeeya Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  iyo deeq bixiyeyaasha caalamka ee taageera Golaha Shacabka.

Shirkan waxaa dhanka Golaha Shacabka wafdiga uga qeybgalay hogaaminayey Guddoomiyaha Golaha Mudane  Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxaana wafdiga ka mid ah Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo maamulka Golaha Shacabka waxaana looga hadlay howlaha hor yaala Golaha Shacabka iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Guddoonka Golaha Shacabka waxa ay shirka kusoo bandhigeen qorshaha sharci dejinta iyo kormeerka hay’adaha dowladda 2017-2020 ayadoo qorshahan ay ku wada cad yihiin sharuucda hortebinta u leh Golaha Shacabka iyo shaqooyinka ay qabanayaan guddiyada joogtada ah oo Golaha Shacabka u qaabilsan kormeeridda howlaha Wasaarradaha Xukuumadda.

Xubnaha ka socday deeq bixiyeyaasha Caalamka ee shirka kasoo qeybgalay ayaa aad ugu riyaaqay qorshaha diyaarsan ee ay soo bandhigeen Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana ay ballan qaadeen iney gacan ka geysan doonaan sida qorshayaashi loo hirgelin lahaa.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: