Nabadoon caan ah oo ka mid noqday dadkii ku dhintay dagaaladii ka dhacay Baledweyne ee gobolka HIIRAAN

WAAJIDPRESS – 18 MAY 2017:
Nabadoon can ka ahaa gobolka Hiiraan ayaa ka mid noqday dadkii ku geeriyooday dagaal maanta Xaafada howlwadaag ee Magaalada Baladweyne ku dhex maray Ciidamo taabacsan maamulka gobolka Hiiraan iyo kooxo Maleeshiyo ah.

Waxaa lagu magacaabi jiray Nabadoonkan Maxamed Maxamuud Cali Garabey, iyadoo la sheegay in markii hore uu dhaawac soo gaaray lana geeyay Isbitaalka Baladweyne halkaasoo uu ugu dambeyn ugu geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Ugu yaraan shan ruux ayaa la soo sheegayaa iney ku dhinteen dagaalkan oo bilowday kaddib markii kooxaha maleeshiyada ah ay ka dhega-adeygeen inay baneeyaan saldhig ay halkaas ku lahaayeen, taasoo keentay in ciidamada dowladdu weerar ku qaadaan.

Xaalada magaalada B/weyne ayaa degan xiligan iyadoo ciidamada dowlada Soomaaliya ay la wareegeen goobihii lagu dagaalamay, maamulka gobolkana weli wax war ah kama soo saarin dagaalka halkaas ka dhacay.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: