War deg deg ah: Dowlad cusub oo ciidamo ka mid noqonaya AMISOM u soo dirtay Soomaaliya

WAAJIDPRESS – 20 MAY 2017:

Dowladda Zambia oo ka tirsan dalalka Afrika ayaa la xaqiijiay iney markii ugu horeysay ciidamo ka socda dalkeeda shalay oo Jimco aheyd soo gaareen Soomaaliya kuwaasoo ka kooban 20 askari oo ku biiraya Booliska AMISOM.

Ciidamadan cusub ayaa ku biiraya kuwa Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya.

Afar (4) ka mid ah ciidamadan waa Saraakiil ka qeyb qaadanaya dhanka tababarka Ciidamada dowlada Soomaaliya sida uu Warbaahinta u sheegay Sarkaalkii hogaaminayay Ciidamadaas.

Sarkaalka oo Saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadaan ay si weyn uga qeyb qaadan doonaan sugida dhanka amniga isla markaana ay Caawin doonaan dowladda Federaalka Somaaliya.

Ciidamadan ka socda dalka Zambia ayaa waxaa munaasabad soo dhoweyn ah loogu qabtay xarunta taliska ciidamada AMISOM ee Xalane.

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: