Haweeney lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

WAAJIDPRESS – 22 MAY 2017:

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, nin hubeysan ayaa toogtay haweeney ganacsato aheyd.

Ninkaan hubeysan oo watay qoriga Ak-47 ayaa beegsaday haweeney lagu magacaabi jiray Warsan Faarax Yacquub, taasi oo ka mid aheyd ganacsatada deegaanka.

Haweeneydaan ayaa horey uga tirsanaan jirtay ciidamada Booliska Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, balse markii dambe ay isaga baxday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay ninka hubeysan inuu isku deyay dhac inuu u gaysto haweeneyda, ha yeeshe ay ka biyo diiday.

Dembiilaha ayaa ka baxsaday goobta uu ku dilay haweeneydaasi, waxaana gaaray halkaasi ciidamada ammaanka Puntland ee ka hawlgala Waqooyiga Gaalkacyo.

Ninkan hubeysan ayaa ka hor inta uusan dilin haweeneyda wuxuu dhac ka gaystay garaash ku yaala Waqooyiga Gaalkacyo, isaga oo soo dhacay moobeelo ay siteen shaqaalihii garaashka joogay.

Ciidamada Booliska Magaalada Gaalkacyo ayaa hadda ku hawlan, sidii ay cadaaladda u horkeeni lahaayen ninkaasi, oo aan weli heybtiisa la aqoonsan.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: