War deg deg ah: Weerar ismidaamin ah oo maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso ee deegaanka PUNTLAND

WAAJIDPRESS – 23 MAY 2017:

Qarax xoogan, ayaa goor dhow ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyadoo qaraxu ahaa mid laga wada maqlay inta badan xaafadaha magaaladaasi.
Qaraxan, ayaa waxaa fuliyay nin naftii hallige ahaa, ka dib markii uu beegsaday bar kontorool oo ku dhow hotel Nayruus oo Ciidamada Booliska Puntland ku leeyihiin Bartamaha Magaalada Boosaaso, kuna baaraan gaadiidka.

Suxufiyiinta Magaalada Boosaaso, ayaa soo sheegaya in Check Point-ga la beegsaday uu kaabiga ku hayo Xarunta Dowladda Hoose ee Magaalada Boosaaso.

Goobjooge, ayaa sheegay in ninka is qarxiyay uu la socday gaari nooca raaxada ah, isla-markaana uu beegsaday Ciidamada Booliska, xilli ay gawaarida baarayeen. Nin kale oo dadka deegaanka ah, ayaa isna sheegay in weerarkaasi uu fuliyay nin xirnaa jaakadda walxaha qarxa ka samaysan.

Ugu yaraan afar qof, ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhimatay weerarkaasi. Dadka dhintay ayaa isugu jira askari booliska ka tirsanaa, laba rayid ah iyo ninkii is qarxiyay.

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Bari, Korneyl C/xakiin Yuusuf Xuseen, ayaa sidoo kale sheegay in afar qof oo kale ay ku dhaawacantay qaraxaasi, oo middi uu askari yahay, halka saddexda kalena ay rayid yihiin.

Kooxda la magac baxday Khilaafada Islaamka ee Daacish (ISIS) ayaa sheegatay weerarkii ismiidaminta ahaa ee caawa fiidkii lagu weeraray Ciidamo fadhiyay Bar Kortorool oo lagu baaro baabuurta iyo dadka ee bartamaha Magaaladda Bosaaso.

Qaraxan, ayaa dareen baqdin leh ku dhaliyay shacabka reer Boosaaso.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: