War deg deg ah Akhriso then Daawo: Qarax aad u xoogan oo Ismidaamin ah oo hadda ka dhacay Maqaaxi u dhow Dekeda Muqdisho

WAAJIDPRESS – 24 MAY 2017:

Qarax xoogan oo gelinkii dambe ee maanta lagu weeraray Maqaaxi ku taala agagaarka Dekeda Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayay wararku sheegayaan inuu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, oo la sheegayo inuu kaxeynayay qof naftii hurre.

Maqaayada ayaa xiliga uu qaraxu dhacayey waxaa ku sugnaa dad shacab ah oo shaah ka cabayey, waxaana qaraxa ka dib goobtu isu bedeshay qaac iyo uuro.

5 Ruux ayaa ku dhimatey, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Waxaa kale uu khasaaro badan ka soo gaarey Maqaaxidii la qarxiyey, waxaa kaloo burburey Dukaamo iyo Maqaaxiyo kale oo ku ag-dhawaa halka uu qaraxa maanta ka dhacay.

Qaraxa ayaa sidoo kale qabsaday gaadiid kale oo xiliga uu dhacayey wadada marayey, kuwaasoo isugu jiray mooto bajaajyo iyo gaadid kale oo nooc raaxada ah kuwaasoo iyaga iyo dadkii la socdayba waxyeelo xoogan ay soo gaartay.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxuu sheegay in Qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan 5 Ruux, lix kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxaasi. Waxay sidoo kale sheegeen in qaraxu uu ismiidaamin ahaa, isla-markaana uu gaystay mid ka mid ah maleeshiyadooda.

C/casiis Abuu Muscab, Afhayeenka Ciidamada Shabaab, ayaa ku faanay in weerarkaasi lala beegsaday goob ay ku sugnaayen Saraakiil Militariga iyo Nabad Suggida Dowladda Somaliya ka tirsan, laguna dilay Saraakiil iyo askar fara-badan, sida uu yiri. – DAAWO:

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: