War hadda soo dhacay: Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo qoraalka mooshinkii Saldhiga Berbera maanta u diray Madaxweynaha & R/Wasaaraha

WAAJIDPRESS – 24 MAY 2017:

Waxaa markale soo ifbaxaya arrinta ku saabsan heshiiska Saldhiga milateri ee Berbera, taasoo uu Maamulka Somaliland la galay Wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa bishii april mooshin ka gudbiyay heshiiskan, iyadoo maalmo kadibna Madaxweyne Farmaajo safar ugu ambabaxay Imaaraadka Carabta, balse wixii safarkaas ka dambeeyay waxaa hoos u dhac ku yimid ka hadalka mooshinkan.

Hase ahaatee illaa iyo hadda madaxtooyada ayaan ka hadlin heshiiskan, waxaana dhowaan afhayeenka madaxweynaha Somaliland uu shaaciyay in dowlada Ethiopia ay ka heli doonto dhaqaale dekeda Berbera.

Qoraalka Jawaari u diray Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayuu kaga dalbaday inay ku soo cadeeyaan mowqifka ay ka taagan yihiin heshiiskii Saldhiga Berbera

Hoos ka aqriso qoraal uu u direy guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha iyo weliba qoraalo kale oo ku saabsan mooshinka ay xildhibaanada ka keeneen heshiiska Berbera – Akhriso:

 

        

 

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: