War deg deg ah: Haweenay Ergada ka mid aheyd oo Muqdisho lagu toogtay

WAAJIDPRESS – 25 MAY 2017:

Dabley hubaysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa xalay fiidkii waxa ay xaafadda Siliga Ameerikaanka ee Degmada Wadajir ku dileen Allaha u naxariistee Haweenay ka mid aheyd Ergooyinkii Xildhibaanada ku soo doortay Gobolada dalka Somaliya.

Haweenayda la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Haajira Cabdi, waxaana toogtay laba ruux oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo watay Bistoolado.

Haajira Cabdi oo ka mid aheyd Ergooyinkii Xildhibaanada ku soo doortay Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa ifka uga tagtay caruur ay dhashay oo gaaraya illaa 2 sida ay xaqiijiyeen dadkii deriska lahaa haweenaydaasi.

Ragga dilka gaystay ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo muddooyinkii dambe aad u sii kordheysay bartilmaameedka lagu haayo shaqsiyaadka ka tirsan Ergooyinkii Doorashada Somaliya.

Xoogaga Shabaab ayaa goor hore ku hanjabay inay dilayaan cid kasta oo ka qayb qaadatay doorashada Xubnaha Golaha Shacabka iyo Xubnaha Aqalka Sare ee dalka.

Inta badan ragga bistooladaha dilalka ku fuliya ayaa ka baxsada goobaha dadka rayidka ah ay ku laayaan.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: