War hadda soo dhacay: Qarax askar Kenyan ku dhinteen oo ka dhacay Waqooyi Bari Kenya

WAAJIDPRESS – 25 MAY 2017:

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa sheegaya in Askar ka tirsan ciidamada Kenya ay ku geeriyoodeen qarax ka dhacay dalkaasi.

 Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku istaagay gaari ay wateen ciidamada dalka Kenya, waxaana halkaasi ku dhintay Shan askari oo ka tirsan Booliska dalka Kenya.

Hay’adda Bisha Cas ee Kenya ayaa sheegtay in shan ka mid ah Ciidamada Kenya ay dhinteen, sidoo kalena uu dhaawacmay mid kale, waxa ay aheyd shalay markii qarax lagu dilay Saraakiil Kenyan ah.

Qaraxan, ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Malelei ee Waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo gaariga uu maraayay markii miinada ay la qarxeysay.

Xoogaga Shabaab ayaa kordhiyay qaraxyada miinooyinka ah ee ay ku aasayaan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Afhayeenka Shabaab ayaa sheegay inay sii wadayaan Bartilmaameedka ay ku hayaan ciidamada dalka Kenya, maadaama Somaliya si gardaro ah ugu soo duuleen.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: