War hadda soo dhacay: Labo ruux oo siyaabo kala duwan xalay loogu dilay magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 26 MAY 2017:

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay waxay siyaabo kala duwan ugu dileen degmooyinka H/wadaag iyo Hodan labo ruux oo mid ay aheyd haweeney.

Dilalkan ayaa dhacay, xilli dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday howl gal lagu sugayo amniga Caasimadda, iyadoo la sameeyay ciidan gaar ah oo ka hortagaya falalka amni darro.

Haweeney Ganacsato aheyd oo lagu magacaabo Xaliima Cilmi Yuusuf ayaa xalay fiidkii waxaa lagu dilay goobteeda ganacsi oo ku taal Xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan.

Haweeneydan ayaa la sheegay in labo nin oo hubeysan ay ugu galeen Carwo ay ku iibiso dharka, dabadeena ay toogteen, iyagoo markii dambe baxsaday.

Wararka ayaa sheegaya in haweeneydan ka mid aheyd ergooyinkii Xildhibaanada ku doortay degmada Cadaado ee xarunta KMG ee Galmudug.

Sidoo kale kooxo hubeysan ayaa degmada H/wadaag ku dilay nin lagu magacaabo Suleymaan Cusmaan Yuusuf, waxaana la sheegay in kooxdii dilka geysatay ay baxsadeen.

Dilalka loo geysanayo ergooyinkii Xildibaanada ku soo dooratay gobolada ayaa sii kordhay, waxaana todobaadyadii la soo dhaafay Muqdisho lagu dilay tobanaan ruux oo u badnaa ergadii Cadaado ku dooratay Xildhibaanada.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: