Dil ka dhacay MUQDISHO iyo CABUDWAAQ

WAAJIDPRESS – 28 MAY 2017:

Askari ka tirsan ciidamada dowladda Federalka Somaliya ayaa goor dhaw Isgoyska Bakaaraha ee Degmada Hawlwadaag waxa uu ku dilay nin dhalinyaro ahaa oo watay Mooto Bajaaj.

Ninka dhalinyarada ah ee Mooto Bajaajta watay iyo askariga ayaa wada murmay, taasi oo sababtay in askariga uu rasaas ku furo wiilka dhalinyarada ah, kadibna uu halkaasi ku geeriyooday.

Qof goobjooge ahaa ayaa Dhacdo.com u sheegay askariga falkaasi gaystay uu si nabadgelyo ah meesha kaga tagay, iyadoo uu halkaasi yaalo meydka wiilkii dhalinyarada ahaa ee uu toogtay.

“Askariga tuutaha ciidanka ayuu watay iyo qori xabado ayuu ku dhuftay wiilka Mooti Bajaajta watay, wuuna iska baxay cid qabatay malahan, meydka weli meesha ayuu yaalaa.” Ayuu yiri qof goobjooge ahaa.

Dhinaca kale, Wararka inaga soo gaaraya Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya nin hubaysan inuu halkaasi ku dilay dad ku sugnaa Magaalada, sidoo kalena dhaawac uu u gaystay dad kale.
Ninka hubaysan ee falka dilka ah gaystay ayaa doonaayay inuu xoog ku galo goob raashin lagu qaybinaayay, balse dadkii waardiyaasha ahaa ayaa isku dayay ninkaasi inay ka celiyaan albaabka, markii la celiyay ayuu qori kala soo baxay gaari yaalay meel aanan ka fogeyn goobta raashinka laga qaybinaayay.

Ninka dadka ku dilay Magaalada Caabudwaaq, ayaa markii uu la soo baxay qoriga wuxuu rasaas ku furay dadkii meesha joogay waxaana ku dhintay laba ruux halka ay ku dhaawacmeen 10 ruux oo kale.

Madaxa arimaha Bulshada Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud Muuse Maxamed oo la hadlay Idaacada Risaala, ayaa sheegay ninka falkaasi gaystay inuu ka baxsaday goobta.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: