War deg deg ah: Ciidamada Liyuu Boolis oo dad shacab ah ku dilay Gobolka Mudug

WAAJIDPRESS – 28 MAY 2017:

Ciidamada Liyuu Boolis, ayaa lagu eedeeyay dad shacab ah inay ku laayeen Gobolka Mudug, sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee Gobolka Mudug dhanka Galmudug Cabdi Xuseen Sheekh, ayaa sheegay saddex ruux oo shacab ah si bareer ah in ciidamada Liyuu Boolis ay ugu dileen deegaanka Saaxo ee Gobolkaasi.

Waxa uu sheegay saddexda qof ee ay dileen ka sokoow inay dhaawaceen tiro dad ah, kuwaasi oo aanan waxba galabsan.

Wuxuu sheegay guddoomiye ku xigeenka in ciidankaan ay caadeysteen waxyeellada ay u geysanayaan dadka shacabka ah, islamarkaana aysan jirin cid ay u turaan.

“Saddex qof oo shacab ah ayeey ku dileen ciidanka Liyuu Boolis deegaanka Saaxo, kuwo kalena waa ay dhaawaceen, waxaa kaloo jirta shacab ay habeen iyo maalin dhib ku hayaan oo xitaa ay dhacaan.” Ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Gobolka Mudug, ayaa Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya, wuxuu ugu baaqay inay ilaaliyaan wada noolaanshaha shacabka iyo deganaanshaha labada dhinac.

Ciidamada Liyu Boolis ayaa dhawr mar tacadiyo bareer ah waxa ay u gaysteen Bulshada ku nool Gobolka Mudug iyo deeganada hoostagga.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: