War deg deg ah: MADAXWEYNE FARMAAJO, OO FAHAD YASIIN U MAGACABAY LATALIYAHIISA AMNIGA KADDIB MARKII AY DALBATAY DOWLADDA QADAR

WAAJIDPRESS – 28 MAY 2017:

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Fahad Yaasiin (oo ka soo jeeda Beesha SHEEKHAAL – REER AW- XASSAN), u magacaabay lataliyaha amniga ee Madxweynaha Soomaaliya.

Magacaabista Fahad waxaa ay timid kaddib markii dowladda Soomaaliya ay dowladda Qadar ka codsatay in ay la hadalsiiso Al-shabaab.

Dowladda Qadar ayaa dowladda Soomaaliya shuruud uga dhigtay in ay lahadalsiineyso Al-shabaab,laakiin ay ka horreyso in marka hore Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabo lataliyihiisa dhanka amniga.

Dowladda Qadar waxaa ay ballan qaadday in ay Al-shabaab lahadalsiineyso Dowladda Soomaaliya haddii ay diidaanna garab ka mid ah Al-shabaab ay Gogobsha keeneyso.

Fahad Yaasiin,waxaa uu beddelayaa Xuseen Macallin Maxamuud oo uu horay Madaxweynaha ugu magacaabay latalaiyaha amniga ee Madxweynaha.

Lama oga sida uu madaxweynaha ugu qancinayo Xuseen xilka qaadista uu ku sameeyay maaddaama Xuseen uu ka mid ahaa dadkii hoggaaminayay ololaha uu ku soo baxay ee lagu doortay 8ddii February sidoo kale waxaa ay isku dhowyihiin Xuseen Xaaska Madaxweynaha Soomaaliya.

Ninka loo magacaabay lataliyaha amniga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah saaxiibka 1aad ee dowladda Qadar ku leedahay Soomaaliya,waxaana uu arrintan ku jiray ilaa 2012kii,waxaana uu ahaa shaqsigii suurageliyay in Sanadkaas uu Xasan Sheekh maxamuud ku guuleysto doorashadii dhacday sidoo kale 2017 doorashadii uu ku soo baxay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayuu ahaa ninka u qaabilsanaa ololaha iyo maalgelinta doorashada.

Advertisements

One Response to “War deg deg ah: MADAXWEYNE FARMAAJO, OO FAHAD YASIIN U MAGACABAY LATALIYAHIISA AMNIGA KADDIB MARKII AY DALBATAY DOWLADDA QADAR”

  1. Keeroow Says:

    Cajiib Cajiib Cajiib
    Dowlad shisheeye ayaa dalbatay in qof shaqo looga dhiibo dowlad a soomaalia dhexdeeda?
    Toloow Marka Maxaa laga fahmayayaa warkaas?

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: