MADAXWEYNE FARMAAJO OO MAANTA MAGACAABEY LA-TALIYAHIISA XAGGA DHAQAALAHA IYO MAAMULKA

WAAJIDPRESS – 28 MAY 2017:

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magacaabay la-taliye cusub oo uu yeelanayo.
La-taliyaha cusub ayaa madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsanaan doona Arrimaha dhaqaalaha iyo Maamulka, waxaana loo magacaabay Eng.  Amiin Axmed Sheekh C/raxmaan (oo u dhashey BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE – Beesha Gasaargude , Hooyadiisana Waa Beesha JIROON).
Wareegto magacaabidda la-taliyahan ayaa ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaaliya Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo).

Taariikhda Eng. Amiin Axmed Sheikh Cabdiraxmaan oo kooban Waa:

Dr. Amiin Axmed Sheikh Cabdiraxmaan Wuxuu KU dhashey Magaalada Baydhaba, Wuxuuna u dhashey BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE.

Dugsiga hoose, Dhexe ee Baydhaba, iyo Dugsiga Sare EE 15-May Wuxuu ku soo dhameeyey magaalada Muqdisho.

Sanadkii 1986, Wuxuu qaatey Shahaadada Jaamacad ee Engineering ee Jaamacada Umadda Soomaaliya.

Dowladii Kacaanka Wuxuu noqdey Madaxa Canshuuraha iyo Madaxa qeybta Statistics ee Wasaarada Maaliyada.

Wakhtigii Burburkii Wuxuu ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE; Wuxuu soo noqdey Wasiir ku-XIGEENKA Wasaarada Maaliyada iyo Ganacsiga.
Dowladda madaxweyne Farmaajo hogaamiyo ayaa weli sii wada magacaabida iyo kal bedelida jagooyinka dowladda.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: