War deg deg ah: Dowlada Masar oo si kulul uga soo horjeesatey saldhiga Military ay Turkey ka furaneyso iyo Madaxweyne Farmaajo oo u magacaabay Fahad Yaasiin Agaasimaha Madaxtooyada

WAAJIDPRESS – 31 MAY 2017:

Dowladda Masar oo ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah ururka Jaamacada Carabta ayaa si cad uga soo horjeesatay saldhiga milateri ee dowlada Turkigu ka dhisaneyso Somalia.

Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Africa u qaabilsan dowladda Masar Muna Cumar ayaa halis aan la aqbali karin ku tilmaamtay Saldhiga Milatari ee Turkiga ka sameysanayo Soomaaliya.
Waxay sheegtay in Turkey aysan Saaxiib la ahayn Masar iyadoo ku eedeysay inay garab siiso argagixisada.

Sidoo kale Muno ayaa muujisay walaaca ay ka qabto in saldhigaasi uu saameyn ba’an ku yeesho Amniga Masar iyo Carabta inteeda kale.

Dowlada Turkiga ayaa xiriirka u jartay Masar ka dib markii xukuumada Ankara ay ka soo horjeesatay milateriga uu hogaamiyo C/fitaax Al-Sisi ee sanado ka hor la wareegay talada dalkaas, isla markaana xabsiga dhigay Madaxweynihii sida Dimoqraadiga ahaa lagu soo doortay Maxamed Mursi.

Dhinaca kale maanta, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Faraamjo ayaa maanta u magacaabay Fahad Yaasiin (oo ka soo jeeda beesha SHEEKHAAL) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

War saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu Fahad Yaasiin u magacaabay xilka Agaasimaha Guud ee Madaxweynaha.

“Waxaan xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin oo ah nin dhallinyaro ah, karti iyo hufnaan aan ku bartay, kana soo dhalaali kara shaqada qaran ee loo igmaday. Waxaan Eebe uga baryayaa inuu masuuliyaddan culus u fududeeyo”ayaa lagu yiri War saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) oo ahaa shakhsi waqti badan galiyay u khidmeynta dalkiisa iyo dadkiisa.

Fahad Yaasiin waa mid ka mid ah saaxibada ugu xooggan ee Madaxweyne Farmaajo, isagoo la sheego inuu fure u ahaa guushii doorashada Madaxweyne Farmaajo ee 8-dii February.

Magacaabista Fahad Yaasiin ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay la hadal hayay, waxaana markii hore jirtay hadal heyn ku aadan in loo magacaabi doono La Taliyaha Amniga Qaranka, balse magacaabistan ayaa adkaatay, kaddib markii su’aalo laga keenay aqoontiisa xaga amniga.

Sidoo kale Magacaabista Fahad Yaasiin ayaa waxay soo afjareysa khilaaf dhanka awooda ahaa oo horay ugu dhaxeeyay Abuukar Baalle iyo ninka ku xigay C/risaaq Shoole oo ah nin awood badan ku leh Madaxtooyada, balse waxaa la ogeyn saameynta kale ay ku yeelan doonto dadkii ku xirnaa ama la safnaa Abuukar Baalle.

Fahad Yaasiin ayaa ahaa wariye horay uga soo shaqeeyay Telefishinka Al-Jazeera, gaar ahaan qeybta Carabiga, waxaana la sheegaa inuu yahay nin xiriir dhow la leh dowladda Qatar, waxaa uu horay uga qeyb qaatay isku xir dhex maray Qatar iyo dowladdii hore, sidoo kalena wuxuu kaalin ku lahaa doorashadii Farmaajo oo uu ahaa maalgelihii ugu weynaa ee ololaha doorashada.

Waa agaasimihii 3aad oo loo magacaabo Madaxtooyada, saddex bilood oo uu Xafiiska joogo Madaxweyne Farmaajo, waxayna tani banaanka soo dhigeysa loolanka awoodeed ee ka dhex jiray kooxaha ku xiran Madaxweyne Farmaajo ee raba inay awood ku dhex yeeshaan Madaxtooyada.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: