Archive for Juunyo, 2017

DAAWO: XILDHIBAANADA DIGIL IYO MIRIFLE OO NOQDEY XILDHIBAANADII UGU HOREEYEY EE DEEGAANADOODA KA FURA XAFIIS XILDHIBAAN ….

Juunyo 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 JUN 2017:

 

Advertisements

War deg deg ah: Qarax xoogan oo goor dhow kadhacay duleedka Muqdisho laguna dilay sargaal sare

Juunyo 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 JUN 2017:

Qarax Gaari ayaa ka dhacay Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho, sida uu warbaahinta u sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaraxan ayaa waxaa Gaarigiisa loogu xiray Sarkaal ka tirsan Ciidanka xoogga dalka, kaasi oo lagu magacaabo Ismaaciil Danab, isaga oo keliya ayaana ku geeryooday.

Jugta Qaraxa ayaa waxaa laga maqlay Agagaaarka goobta uu ka dhacay, waxaa sidoo kale bur bur xoogan uu soo gaaray gaarigii uu watay Sarkaalka.

Sarkaalka la hadlay Idaacaddaha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaano lagu raadinayo raggii ka dambeeyay falkan lagu qaarijiyay Marxuum Ismaaciil Danab.

Adeegga Gaadiidka deg dega ah ayaa goobta uu Qaraxa ka dhacay soo gaaray, kaasi oo goobta ka qaaday Meydka Marxuum Ismaaciil Danab.

Ururka Al-shabaab ayaa inta badan sheegta Qaraxyada nuucaan oo kale ah ee lala beegsado Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka, kana dhaca magaalada Muqdisho.

Barkhanimadii hore ee saakay ayaa waxaa Qarax Miino kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM lagula eegtay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo haleelay mid ka mid ah Gawaaridooda.

Xog: Taliyaha Ciidanka Boliiska oo laga yaabo in xilka laga qaado

Juunyo 30, 2017

WAAJIDPRESS  – 30 JUN 2017:

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed C/xakiin Daahir Saacid ayaa la sheegay inuu qarka u saaran yahay xil ka qaadis.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Jeneraal Saacid ay ku soo baxday fadeexad ku saabsan wax is daba marin, isagoo qeyb ka mida mushaar loogu talogalay ciidamada Booliska dib u dhigay.

Arrintan ayaa timid iyadoo dowladda Soomaaliya ay amartay in la bixiyo mushaarka ciidamada Booliska oo loogu talogalay inay dhowr bilood la siiyo ciidamada ka hor ciidul fitriga, laakiin waxaa dhacday in taliyaha Booliska uu faragelin ku sameeyay isagoo dib u dhigay bixinta qeyb ka mida mushaarka loogu talogalay ciidamada Booliska.

Wasiirka Amniga xukuumadda, Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa la gaarsiiyay arrintan, iyagoo si weyn uga carooday, waxaana taliyaha oo su’aalo laga weydiiyay arrintan uu ku fashilmay inuu jawaab waafi ah ka bixiyo, taasoo keentay in madaxweyne Farmaajo uu amro in Taliye Saacid laga wareejiyay ku lug yeelashada arrimaha maaliyadda ciidamada Booliska.

Taliyaha ciidamada Booliska oo hore xilkan u soo qabtay ayaa tallaabooyin kuwan la mida kula kacay ciidamada Booliska iyadoo mararka qaarkood lacago laga reebi jiray mushaarka ciidamada Booliska.

DAAWO: Wasiir Fiqi oo DFS Xog ka siiyay Sida ay Roobow ula heshiin karaan & Arinta Axmed Godane

Juunyo 30, 2017

WAAJIDPRESS – 29 JUN 2017:

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga ee DKMG Somalia, Dr. Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi (oo Ka soo jeeda BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE) ayaa ka hadlay suurtagalnimada in Sh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur iyo soo bandhigidii Shabaab ee wajiga Hogaamiyahoodii Axmed Madoobe.

Fiqi ayaa bixiyay xogta dhabta ah ee ka dambeysay in Mukhtaar Roobow laga saaro liiska dadka uu doonayo Mareykanka – DAAWO:

 

DAAWO: Bandhiga Nadaara Oo Lagu Cadeeyey Cidda Kadanbeysa Mooshinka RW Kheyre ee Baarlamaanku Wadaan

Juunyo 29, 2017

WAAJIDPRESS – 28 JUN 2017:

Magaaladda Muqdisho waxaa ka soconaya kulamo ay yeelanayaan xildhibaano la sheegay iney 8-da bisha July mooshin ka keeni doonaan RW Xasan Cali Kheyre.

Mooshinkan ayaa waxaa wada tiro xildhibaano ah kuwaas oo leh dano gaar ah oo ay ugu horeyso iney xilal ka waayeen xukumadda cusub – DAAWO:

 

War hadda soo dhacay: Askar ku dhimatay qarax ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho

Juunyo 29, 2017

WAAJIDPRESS – 29 JUN 2017:

Dhawr askari, ayaa ku dhintay, tiro kalana way ku dhaawacantay, ka dib markii barqanimadii maanta gaari ay la socdeen qarax lagula eegtay duleedka Magaalada Muqdisho.

Gaarigan oo noociisu Cabdi Bille lagu sheegay, ayaa waxaa qaraxaasi lagula eegtay Deegaanka Tarey Disho, gaar ahaan agagaarka dabaqa DBG amaba Cumar Fiyaasko.

Qaraxan, ayaa burbur soo gaarsiiyay gaarigaasi, waxaana goobtaasi ku dhimatay ugu yaraan saddex askari, halka tiro kalana ay ku dhaawacantay.

Goobjooge-yaal, ayaa sheegay in ciidan gurmad ahaa oo goobtaasi soo gaaray, ay gacan u fidiyen askartan, oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Ciidamada oo hawlgal ka sameeyay Tarey Disho, ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen toban qof, oo la tuhunsan yahay in ay wax ka ogaayen qaraxaasi.

Gawaarida ay wataan Ciidamada Dowladda, isla-markaana ku socdaalaya wadada dhirirsan ee xiririisa Magaalada Muqdisho & Degmada Afgooye, ayaa xilliyada qaarkood qaraxyo lagula eegtaa wadadaasi.

DAAWO: DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED OO MAANTA XAFLAD CIIDANKEEDA KU ABAAL – MARINEYSEY KU QABTEY BAYDHABO

Juunyo 28, 2017

WAAJIDPRESS – 28 JUN 2017:

 

 

War deg deg ah: XILDHIBAANO CUSUB OO KU BIIREY MOSHINKA LAGU RIDAYO RA’ISUL WASAARE KHEYRE

Juunyo 28, 2017

WAAJIDPRESS – 28 JUN 2017:

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in weji cusub uu yeeshay mooshinkii ka dhanka ahaa Ra’iisu lwasaare Xasan Cali Kheyre oo loo maleynayey markii hore mid si hoose loo xalliyey.

Warar ay si hoose ayaa ayaa sheegaya in hadda mooshinka uu yeeshay weji cusub oo lama filaan ah, waxaana la sheegayaa in xildhibaanno cusub kusoo biireen.

Xogtu waxay tilmaameysaa in hadda xildhibaanno ka mid ah Digil iyo Mirifle ama K/galbeed ay mooshinka soo galeen oo taageereen in meesha laga saaro Kheyre.

Mashquul badan ayaa laga dareemayey maalmahan  dambe guud ahaa Villa Soomaaliya, waxaana la doonayaa in la baajiyo Mooshinkaan.

Kheyre wuxuu la kulmay qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa isaga mooshinka ka keenay si uu u qanciyo.

War deg deg ah: Qarax ay dad badani ku dhinteen oo ka dhacay dalka Kenya

Juunyo 28, 2017

WAAJIDPRESS – 28 JUN 2017:

Qarax ay dad badani ku dhinteen, ayaa Talaadadii ka dhacay dalka Kenya, iyadoo dadka dhintay ay ku jiraan afar carruur ah, oo la sheegay inay arday ahayd.

Qaraxan oo ahaa miino wadada dhinaceeda lagu aasay, ayaa lala beegsaday gaari ay leeyihiin Ciidamada Booliska, oo ka soo dhaqaaqay Bariga Degmada Lamu ee Gobolka Xeebta.

Gaariga oo jidka ka soo qaaday arday, ayaa waxaa la sheegay in qaraxu uu ku haleelay inta u dhaxeyso Deegaanada Mararani iyo Kiunga, waxaana la xaqiijiyay in ay ku dhimatay sideed qof, oo afar ka mida ay arday tahay.

Ardayda, ayaa ahayd arday dhiganeysay Dugsiga Hoose/Dhexe ee Kiunga, waxayna ka soo laabatay fasaxa Ciidul Fitriga, oo qoysaskoody ay kula qaadanayen Degmada Lamu. Xilligii uu qaraxu haleelayay waxay ku sii jeedeen iskuulkii ay dhiganayen.

Suxufiyiinta ka hawlgasha Gobolka Xeebta, ayaa soo sheegaya in qaraxu uu haleelay gaarigaasi, intii aanay ardaydu gaarin iskuulka.

Saraakiisha Booliska Lamu, ayaa sheegay in ciidamada ay wadada ka sii qaadeen 14 arday, afar ka mid ahna ay dhinteen, shan kalana ay dhaawacmeen, iyadoo laba ka mida ay xaaladooda garaab tahay.

Booliska, ayaa sheegay in dhaawacyada ardayda la keenay Isbitaalka Lamu, oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Xildhibaan Mahad Salaad oo Weerarkii ugu Xooganaa ku qaaday Taliyaha Nabad Sugidda & Xog Badan oo soo Ifbaxday

Juunyo 27, 2017

WAAJIDPRESS – 27 JUN 2017:

Maalmihii Ciida waxaa shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Mogadishu Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) isaga oo isbarbardhig u sameeyay Qaraxyadii iyo Dilalkii Mogadishu ka dhacay sanadkii 2016 iyo kuwa dhacay Bishii Ramadaan ee sanadkaan 2017! Waxa uu isbarbardhigayana ay tahay sanad 12 bilood ka kooban iyo bil 30 maalmood ka kooban sida uu ku sheegay shirkiisa Jaraa’id! Wuxuuna ku bilaabay hadalkiisa sida soo soocta:

1. Sanadkii 2016 waxaa Magaalada Mogadishu ka dhacay 28 qarax! Waxaana qaraxyadaas ku dhintay 80 qofood! Dilal qorsheysana waxaa lagu dilay 40 qofood!

2. Bishaan Ramadaan ee sanadka 2017 waxaa Mogadishu ka dhacay 3 qarax! Waxaana qaraxyadaas ku dhintay 28 qofood! Dilal qorsheysana waxaa lagu dilay 12 qofood! Waxaana la dhaawacay 40 qofood!

3. Bishaan Ramadaan qaraxyadu waxay hoos u dhaceen 90%! Dhimashadana waxay hoos udhacday 80%!

Taliyow horta aan ku saxee sanad waxaa lala barbardhigaa sanad, bilna bil ee marka hore raali ahoow!

Sidoo kale hadaan tusaale usoo qaato, labadii Ramadaan ee sanadkii 2016 iyo sanadkaan 2017 sida aad ka arki karto faylasha Xarunta aad madaxda ka tahay tuban oo aan umaleynayo inaadan wali waqti u helin aad ku eegto sida hadaba aadan waqti ugu helin inaad iska saxdo markii aad sheegaysay wadarta guud ee dadkii ku dhintay ama ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Mogadishu maalmihii lasoo dhaafay!

1. Bishii Ramadaan ee sanadkii 2016 Magaalada Mogadishu waxaa ka dhacay hal qarax kaas oo lagu weeray Hotel Naasa Hablood 1, waxaana ku dhintay 10 ruux oo uu ku jiray Wasiiru Dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee dhanka Bey’adda Burci Maxamed Xamza AUN.

2. Ramadaan kaan hada dhamaaday ee 2017, waxaa ka dhacay Magaalada Mogadishu saddex weerar oo is qarxin ah mudo waliba 9 maalin gudahood ah.

Weerarkii 1aad: waxaa uu dhacay 14-kii bishii June, kaasoo lagu qaaday Maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats oo isku dhow, waxaa weerarkaas ku dhimatay illaa 28 ruux.

Weerarkii 2aad: waxa uu dhacay 20-kii bishii June, kaasoo lagu qaaday Xarunta Maamulka Degmada Wadajir, waxaana ku dhimatay 14 ruux oo dumar u badan.

Weerarkii 3aad: waxaa uu dhacay 22 bishii June, kaasoo lagu qaaday Saldhiga Degmada Waabari, waxaana ku dhimatay illaa 8 ruux oo uu ku jiro Wasiirkii Dhalinyarada Jubbaland Maxamed Yuusuf Aw Libaax.

3. Sidoo kale waxaa dilal qorsheysan lagu dilay Magaalada Mogadishu intii lagu gudo jiray bishii Ramadaan ee sanadkaan dad kor u dhaafaya 40 qofood!

4. Isku celcelis bishaan Ramadaan waxaa Magaalada Mogadishu lagu dilay 90 qofood ugu yaraan sida laga soo xigtay Xarumaha Caafimaadka ee Magaalada Mogadishu iyo Warbaahinta Madaxa banaan ee Magaalada Mogadishu.