War deg deg ah: Is bedelkii ugu weynaa oo ka dhacay Madaxtooyada, Shaqaalihii Hab maamuuska oo la Eryey

WAAJIDPRESS – 2 JUN 2017:

Is bedelkii ugu weynaa ayaa ka dhacay Madaxtooyada Villa Soomaaliya, labo maalin kadib magacaabistii Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Mr Fahad Yaasiin, waxaa saacadihii la soo dhaafay la eryay 11 xubnood oo u badnaa Kooxdii qaabilsaneyd Hab Maamuuska ama Protocol-ka Madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegaya in xilka la qaaday Madaxii Protocol-ka Madaxtooyada oo lagu magacaabo C/llaahi Yuusuf iyo Agaasime kuxigeenkii Madaxtooyada C/llaahi Kulane oo 16-kii bishan xilkan loo magacaabay.

Sidoo kale waxaa iyana la bedelay 9 xubnood oo ahaa dhalinyaro u tababarnaa Protocolka oo ku qornaa Madaxtooyada, kuwaasoo loo bedelay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Khaliif C/qaadir Macalin Nuur ayaa dhalinyaradan ku wareejiyay warqada bedelka Madaxtooyada, isagoo u sheegay in amar Madaxweyne lagu bedelay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in is bedelkan uu ka dambeeyay Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin oo 31-kii bishan xilka loo magacaabay, isla markaana uu dalbaday in dhamaan wixii Madaxtooyada ka shaqeeya la bedelo, lana imaan doono Koox cusub.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Agaasime kuxigeen Madaxtooyada loo magacaabi doono qof Haween ah, halka Agaasime kuxigeenkii C/risaaq Shoole uu doonayo inuu ku wareego booskii Kaaliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha.

C/risaaq Shoole oo saaxib dhow la ah Fahad Yaasiin ayaa dalbaday jagadan uu hada ku magacaaban yahay Maxamed C/llaahi oo ahaa ninkii waraaqaha u tiriniyay Madaxweyne Farmaajo doorashadii 8-di February.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wali fadhin oo ku jirta xaalad is bedel, kaddib 3 agaasime oo ay ku yeelatay saddex bil gudahood, sidoo todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa ka jirtay loolan dhinaca awooda ah oo u dhaxeeyay kooxo kala duwan oo ku xiran Madaxweynaha, waxaana haatan muuqata in Kooxdii C/risaaq Shoole hoggaaminayay ee ku xirnaa Fahad Yaasiin inay ugu dambeyn awooda Madaxtooyada ku soo hareen.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: