War deg deg ah: Qaraxyo Muqdisho Maanta lagula eektey Madaxii Canshuuraha iyo kabtan Ka tirsan ciidanka

WAAJIDPRESS – 3 JUN 2017:

Muqdisho  –  khasaaro ka dhashay Qaraxyo siyaabo kala duwan gelinki dambe ee maanta uga dhacay Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan hal Askari ayaa ku dhintay kadib markii uu qarxay Gaari uu la haa Madaxa Canshuuraadka Maamulka Degmada Dharkeenleey, Cali Maxamuud Jimcaale kaasi oo gaarigiisa u marayay Xaafada Kaawo-godeey ee Degmada Wadajir.

Saraakiisha Booliska Maamulka Degmada Wadajir qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle, WAAJIDPRESS IYO idaacadaha kale ayaa sheegay in Madaxii Canshuuraha Degmada Dharkenleey Cali Maxamuud Jimcaale uu ka badbaaday Qaraxaasi balse uu ku dhintay mid ka mid ah ilaaladiisa.

Dhinaca kale, Kabtan Fanax oo ka mid ah Saraakiisha Booliska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka badbaaday gadaal markii gaarigiisa oo lagu soo xiray waxyaabo qarxa uu ku qarxay nawaaxiga Xerada Badbaado ee Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxyaadaasi siyaabaha kala duwan uga dhacay Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: