War hadda soo dhacay: Weerar bambaano oo caawa lagu qaaday guriga Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ee Magaalada MUQDISHO

WAAJIDPRESS – 4 JUN 2017:

Bam gacmeed ayaa caawa fiidkii xilliga Afurka kadib lagu weeraray Guri uu degenaa Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Axmed Salaad Ibraahim.

Sida ay sheegayaan wararka weerarka bambaano ayaa la sheegay in aanay wax khasaare ah geysan.

Guriga la weerar ee Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ayaa ku yaala meel ku dhow xarunta maamulka degmada.

Dad goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa kadib ay xaafada soo gaareen, ciidamada amniga, kuwaasoo howl gallo kooban sameeyay.

Dacyaad amni ayaa soo wajahay Guddoomiyeyaashii degmooyinka ee xilka laga qaaday, waxaana dhowaan ay sheegteen inay xuquuq uga maqan tahay Gobolka Banaadir oo ah mushaar afar bilood iyo guno ilaalada la siin jiray.

Inta badan waxaa caadi ah in marka qof mas’uul xilka laga qaado in sababo dhaqaale uu iska kala yareeyo ilaaladii badneyd ee waardiyeyn jiray marka uu xilka hayay.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: