SAWIRRO: RAGII KA DAMBEEYAY DILKII WASIIR CABAAS SIRAAJI OO MAANTA MAXKAMAD LASOO TAAGAY

WAAJIDPRESS – 5 JUN 2017:

 

Maxkamada Ciidamada qalabka sida dowlada Soomaaliya ayaa saakay u fariisatay dacwad ciqaabeed loo heestay labo askari oo katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya, kuwaa oo loo heestay dilkii Muqdisho loogu geestay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Cabaas Sheekh Siraaji (ALLAHA U NAXARIISTO).

Labada askari ee maanta lasoo taagay Maxkamada ciidanka Qalanka sida oo kamid ahaa ilaalada Hanti Dhowrihii Qaranka Dr Nuur Faarax ayaa lagu kala magacaabaa Dable Ka tirsan ciidanka Xooga oo la yiraah Axmed Cabdulaahi Cabdi Ceydiid iyo Sadex Alifle Ciidanka Asluubta katirsan Cusmaan Salaad Barre.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale la horkeenay saraakiil katirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo habeenkii dilka dhacayay shaqada ku jiray iyo sidoo kale saraakiil katirsan laanta Dambi baarista kuwaa oo wax laga weediinayay sida uu dilku u dhacay.

Dood dheer iyo su’aala weydiin kadib ayaa garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida waxa ay xeer ilaalinta ciidamada ka dalbadeen inay keenaan cadeymo dheeri ah, sidoo kale qareenada difaacayay eedeysanayaasha loo heysto kiiska dilka ah ayaa iyagane codsaday in maxkamadda dib loogu dhigo.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in maxkamadda xirantahay, isla markaana dib la isugu soo laaban doono marka ay keenaan xeer ilaalitana cadeymo ku filan kiiska loo heysto eedeysanayaasha maanta ka soo hor muuqday Maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: