War deg deg ah: Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Maamulka Puntland si kulul ugu sheegey in Raggii Qaraxa ay ku qabteyn ay si deg deg ah u soo daayaan isla markaana aheyn argagixiso

WAAJIDPRESS – 5 JUN 2017:

Gudoomiyaha Gobolka HIIRAAN ee Maamulka Hirshabeele Cali Jeyte Cismaan ayaa waxa uu ugu baaqay maamulka Puntland oo gacanta ku dhigay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo ragii waday inay sii daayaan maadaama uu sheegay ragaas inaysan ku lug laheyn arintaasi oo iyaga xitaa la khayaanay, wuxuuna si gaara u codsaday inaan la maxkamadeyn.

Hadalka Cali Jeyte Cismaan ayaa ku soo aadaya xili Milkiilihii lahaa Gaarigii dhawaan qaraxa lagu qabtay ee Magaalada Boosaaso uu sheegay in uusan wax ka ogeen qaraxa Gaarigiisa la saaray.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ugu baaqay dadka leh Gaadiidka ka baxa Gobolka Hiiraan in ay Koontoroolaan waxyaabaha la saarayo Gaarigooda kadib markii dhawaan Gaari ka baxay Magaalada Baladweyne kaas oo lagu qabtay Boosaaso isagoo ay ka buuxan waxyaabaha qarxa.

Waxa uu sheegay in Ganacsatada Gobolka hiiraan iyo Milkiilayaasha la doonayo In ay ka fikiraan cida ay masuulka uga dhigayaan Gaarigooda,balse looga baahan yahay in dadkaas ay ilgaar ah isaga eegaan si aan waxyaabaha qarxa loogu dhex qarin.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: