War deg deg ah: Qarax Ka dhacay Magaalada KISMAAYO

WAAJIDPRESS – 5 JUN 2017:

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay qarax Khasaare gaystay.
Qaraxan oo ahaa mid lagu aasay Saldhiga Booliska Magaalada Kismaayo gadaashiisa, ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen Hal askari oo Ka tirsanaa Ciidamada Boliiska isla markaana ay ku dhaawacmeen Shan ruux oo shacab ah sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Booliska.

Jaamac Axmed Xasan oo ah Afhayeenka ciidamada Booliska Jubbaland, ayaa Idaacaddaha u sheegay Shanta ruux ee dhaawacantay in la geeyay Isbitaalka Magaalada Kismaayo, halkaasi oo lagu daaweynaayo.

“Darbiga dambe xerada waaye ee xerada gudaheeda ma’ahan, meel qashin ah bay ku duugeen, waxa ku dhaawacmayna ma’ahan ciidanka ee waa Shan ruux oo dhalinyaro ah oo darbiga taagnaa, iyagana Isbitaalka ayaa lagu daaweynayaa; Ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Booliska Jubbaland.

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: