War deg deg ah Dowlada Farmaajo oo qabiil isku bedeshey: Labo Shaqsi oo ka soo jeeda Beesha MURUSADE oo maanta Taliyeyaal loo magacaabey

WAAJIDPRESS – 6 JUN 2017:

C/fitaax Ibraahim Shaaweey (oo ka soo jeeda beesha MURUSADE – HAWIYE), ayaa loo magacaabay Taliye ku-xigeenka heyadda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Magacaabida C/fitaax Ibraahim Shaaweey ayaa ka dambeysay ka dib qoraal ka soo baxay Wasiirka Amniga gudaha, iyadoo magacaabidiisa xilkana lala socodsiiyey raisul wasaaraha xukumada federaalka Somalia Xasan Cali Kheyre.

C/fitaax Ibraahim Shaaweey ayaa horey xilal muhiim ah uga soo qabtay dowladihii dalka ka jiray tobankii sanadood ee ugu dambeeyey, waxaa ka mid ahaa xilalkaas Gudoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir iyo Taliye ku-xigeenka heyadda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka NISA.

Magacaabidan ayaa ku soo beegantay xili dowlada Soomaaliya ay isbedelo badan ku sameysay laamaha amaanka Qaranka iyo heyadaha kale ee hoos taga qaarkood, waxaana Mr. Shaaweey looga fadhiyaa inuu dardar geliyo howlaha ay dalka u heyso heyadda socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Dhinaca kale, isla maanta ayaa Dowlada Farmaajo u Magacawdey, Maxamed Abuukar Cali Jacfar (oo ka soo jeeda beesha MURUSADE),  ayaa maanta  loo magacaabay taliyaha howlagalada NISA, iyadoo xilkana uu dhawaan iska casilay sarkaal lagu magacaabo Mahad Xerow ka dib markii uu si cad u sheegey in uusan la dhacsaneyn sida loo maamulay Howlagada hubka looga dhigayo qeybaha lagu tuhmo in ay hub ku heystaan magaalada Muqdisho, taasna uu ka keenay diidmo ka dibna uu si iskiisa istiqaalo uga keenay uuna ka fariistey howshii ka socotey Muqdisho ee Hubaka lagu aruurinayey.

Taliyaha cusub ee howlgalinta NISA Maxamed Abuukar Cali Jacfar ayaa intaan xilkan loo magacaabin ka hor waxaa uu ahaa taliyaha ciidanka NISA ee gobolka Sh/hoose, isagoo horeyna u soo noqday gudoomiyaha degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: