Askari Muqdisho lagu toogtay iyo qorigii uu watay oo laga qaatay

WAAJIDPRESS – 7 JUN 2017:

Wararka aan ka helayno Isgoyska Carwo Itko, qaybta Degmada Wardhiigley, ayaa sheegaya goor dhaweyd in halkaasi lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada Nabad Suggida Somaliya.
Dilka askariga ayaa wuxuu yimid, kadib markii dabley hubaysan oo wadatay qoryaha Ak-47 ay rasaas ku fureen laba askari oo meel wada taagnayd, waxaa halkaasi ku dhintay hal askari, sidoo kale waxaa dhaawac uu soo gaaray mid kale.

Saraakiisha NISA, ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi halka askari uu ku dhintay raggii dableyda ahaana ay ka baxsadeen goobta, waxayna horay u sii qaateen Qorigii Ak-47 ahaa.

Dableyda dilka gaysatay ayaa wadatay mootada nooca loo yaqaan FEKON ee labada lugood leh, ma aysan suuragelin in la soo qabto oo durbadiiba xaafadaha Baar ubax u dhaw ayeey ku carareen.

Dilalka loo gaysto askarta dowladda ayaa ku yaraaday Magaalada Muqdisho tan iyo markii uu bilowday hawlgalka xasilinta ammaanka Magaalada Muqdisho oo dowladda hubka ay ka aruurisay.

Ciidamo kale oo ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen, waxaana socda Baaritaanka sida dilka uu ku dhacay.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: