War deg deg ah: Dagaal Xoogan oo ciidamada Xasilinta Muqdisho & Militeri dhexmaray & Khasaaro ka dhashay

WAAJIDPRESS – 7 JUN 2017:

Iska Hor imaad geystay qasaaro dhimasho iy dhaawac ayaa manta ciidamada hub ka dhigista ka wada Muqdisho iyo militeri hubeysan ku dhex maray degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.
Dagaalkan ayaa ka dhacay isgoyska Cawo Itka ee degmada Howlwadaag, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Labo kamid ah ciidamada dagaalamay ayaa dhintay sidoo kale qof shacab ah ayaa ku dhintay dagaalkaas sida ay goob joogayaal soo sheegayaan.
Wararka ayaa tilmaamaya in Iska hor-imaadka uu bilowday kadib markii ciidamada dowladda ee hub ka dhigista wada ay isku dayeen inay hubka ka dhigaan ciidamo kale oo la sheegay inay ka tirsan yihiin milatariga, kuwaasi oo rasaas kala hor-yimid.
Ciidamada hub ka dhigista ayaa dhowanaahan iska caabin kala kulmayey ciidamo kale oo u arka hub ka dhigista mid sharci darro ah oo si gaar ah loogu beegsanayo dadka degan magaalada Muqdisho.
Qorshaha hub ka dhigista ayaa wxaaa horey u dhalillay qaar ka mid ah ah beelaha dega Muqdisho, oo ku qeexay mid si gaar ah loogu beegsanayo, waxaana jira xaafado ka mid ah magaalada oo ay xirteen kuwaasi oo dowladda aysan geli karin.
Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa ku adkesaneysa in howlgalkaan uu sii socon doono inta laga xaqiijinayo amaanka Magaaladda Muqdisho.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: