War deg deg ah: Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada PUNTLAND iyo Alshabaab Ayaa Wuxuu KA socdaa duleedka BOOSAASO

WAAJIDPRESS  – 8 JUN 2017:

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada maamulka Puntland iyo ururka Al-shabaab ayaa ka socda Degaanka Af-urur oo ku yaalla duleedka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii xoogag ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada maamulka Puntland ay ku leeyihiin Degaanka Af-urur.

Saldhiga la weeraray oo ku yaalla deegaan lagu Magacaabo Af Urur ayaa  Al Shabaab ay ka fuliyeen weerar gaadmo.

 

Illaa 50 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa la sheegayaa in looga dilay dagaalka, waxaana khasaaraha soo gaaray Ciidamada Puntland uu yahay kii ugu badnaa abid hal goob tiro intaas la eg askar looga dilo.

Wararka ayaa sheegay ciidamada lagu laayay xerada ay ku jiraan Taliyihii ciidamada iyo Taliye kuxigeenka xeradaas.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda xaqiijisay inay ciidanka Puntland ka dishay 61 askar, ayna ku furatay saanad milateri oo ay ku jiraan gaadiid dagaal.

 

Ma jiro wax war ah oo weerarkaasi ay ka soo saareen Saraakiisha Ammaanka ee Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: