War deg deg ah: Maqribkii hadda Ayaa MUQDISHO lagu diley mid ka mid ah ergadii soo dooratey xildhibaanadii HIRSHABEELE

WAAJIDPRESS – 8 JUN 2017:

Kooxa bastoolado ku hubeysan ayaa caawa maqribkii ku toogtay degmada Yaaqshiid ee magaalada MUQDISHO, nin ka tirsanaa ergooyinkii soo doortay xildhibaanada baarlamanka Somalia.

ALLAHA U NAXARIISTO, ninka la diley Ayaa la yiraah Axmedey Barre oo ka mid ahaa ergadii wax ka soo dooratay xildhibaanada Baarlamanka Somalia ee ka soo jeeda degaanada Hirshabelle ayaa waxaa lagu dilay agagaarka hotel Garguurte oo ku yaalla degmada Yaaqshiid.

 

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in marxuumku uu isla goobtaas ku qurbaxay markii rasaastii lala dhacay ay ka soo gaareen dhaawacyo halis ah, iyadoo kooxihii ka dambeeyey dilkaas ay goobta baxsadeen.

 

Ergooyin fara badan oo ka tirsanaa kuwii xarumaha dowlad goboleedyada dalka ku soo doortay xildhibaanada Baarlamanka ayaa siyaabo kala duwan bilihii la soo dhaafay loogu dilay magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka.

 

Al-shabaab oo la’aaminsan yahay iney ka dambeyso dilalkan ayaa horey ugu hanjabtay iney beegsan doonaan cidii ka qeyb qaadata doorashooyinka xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka Somalia.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: