Xog cusub: Xildhibaanada Kenya oo hub u iibinaysa shacabka Waqooyi Bari, si Shabaab isaga difaacaan

WAAJIDPRESS – 8 JUN 2017:

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya oo ka soo jeeda Gobolka Waqooyi ayaa sheegay hub inay u iibinayaan shacabka Gobolka Waqooyi Bari si ay isaga difaacaan weerarada kaga yimaado Ururka Al Shabaab.

Xildhibaanadan ayaa sheegay inay sii kordheen weerarada Ururka Al Shabaab ay ka gaysanayaan dalka Kenya, gaar ahaan Gobolka Waqooyi Bari waxayna sheegeen si shacabka u badbaadaan inay muhiim tahay inay hubkaasi u iibiyaan.

Illaa todobo Xildhibaan oo ka soo kala jeeda Gobolka Waqooyi ayaa hadalkaan u sheegay Warbaahinta, waxayna sheegeen maadaama ciidamada Kenya ay sugi waayeen ammaanka inay haboon tahay in aanan la eegan weerarada sii socda ee Shabaab ay ka gaystaan Gobolka.

Xildhibaan Bare Shiil oo ka soo jeeda deegaanka Faafi ee Gobolka Waqooyi Bari, ayaa sheegay inay isku tashanayaan sidii shacabkooda ay u difaaci lahaayeen oo maalin kasta aanan loo laynin.

Weerarkii ugu dambeeyay ee Shabaab ay ka gaysteen Gobolka Waqooyi Bari, ayaa waxa ay la eegteen Afar ruux oo ka mid ah Shaqaalaha Hay’adaha Gargaarka oo ay ku beegsadeen wadada Kulan ee Degmada Dhadhaab.

Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali Dheere oo dhawaan tababar u soo xiray ciidamo Kenyan ah oo Shabaab Daacad u ah ayaa kula dar daarmay ciidankaasi inay kordhiyaan weerarada ka dhanka ah Shabaab.

Ciidamada Kenya ayaa la tacaalaya sidii naftooda ay uga badbaadsan lahaayeen weerarada Shabaab iskaba daa inay shacabka ka badbaadiyaan weerarada.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: