War deg deg ah: Dagaal khasaare gaystay oo ka dhacay duleedka Kismaayo

WAAJIDPRESS – 10 JUN 2017:

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Shabaab ayaa xalay fiidkii wuxuu ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland.

Waxa uu ka dambeeyay dagaalka, kadib markii ciidamada Jubbaland oo ku guda jira hawlgal roondo ah, ay soo weerareen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab, sidaasina labada ciidan ay isugu dhaceen.

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyootay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi Shabaab iyo ciidamada Jubbaland ku dhexmaray duleedka Kismaayo.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa tuulada Goobweyn iyo dalcada Luglaaw ee duleedka Magaaladaasi Kismaayo, xilli ciidamada Jubbaland oo ka soo ambabaxay Saldhiga Goobweyn weerarka ay la kulmeen.

Laba ka mid ah dagaalyahanadii Shabaabka ka tirsanaa ee weerarka soo qaaday, ayaa halkaasi lagu dilay, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen saddex askari oo ka tirsan ciidamada Jubbaland.

Saraakiisha ciidanka Jubbaland weli kama aysan hadlin dagaalkan ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo, balse dagaalka ayaa ku soo aadaya xilli shalay wafdi ka tirsan Jubbaland kormeer ay ku tageen tuulada Goobweyn.

Xoogaga Shabaab ayaa weerara saldhigyada ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin Gobolka Jubbada hoose.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: