War hadda soo dhacay: Labo Askari oo hadda MUQDISHO lagu diley

WAAJIDPRESS – 10 JUN 2017:

Rag hubaysan ayaa maanta siyaabo kala duwan Magaalada gudaheeda ugu dilay, laba askari oo ka tirsanaa ciidamada Dowladda Federalka Somaliya.

Dilka koowaad, ayaa wuxuu ka dhacay Degmada Yaaqshiid Xoogag hubaysan ayaa toogtay nin askari ahaa, ragga hubaysan ayaa watay Bistoolad waxayna ugaarsadeen askarigaasi.

Sidoo kale Askari kale oo ka tirsan ciidamada Minishiibiyada ee qaada canshuuraha ayaa lagu dilay Suuq yaraha Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir.

Rag hubaysan ayaa toogtay askariga oo magaciisa lagu sheegay Cali Salaad, xilliga dilka uu dhacaayay ayaa askarigaan wuxuu ku hawlanaa qaadista canshuurta maalinlaha ah.

Dilalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe Magaalada Muqdisho ay aheyd mid ammaan ah oo ay yaraayeen falalka dilalka ah ee caasimadda ka dhaca.

Amniyaadka Shabaab oo si dirqi ah ku mara Magaalada gudaheeda ayaa hadda falalkii ay gaysan jireen waxa uu noqday mid sii gabaabsi ah, marka la eego hawlgalada suggida amniga iyo xasilinta isugu jira ee caasimadda ka socda.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: