Sawiro Ka dib Akhriso: Shirkada DP World oo La Wareegaysa Dekadda Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose

WAAJIDPRESS – 11 JUN 2017:

 

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku sugan dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, isagoo kulamo kula leh Madaxda Shirkadda DP World.

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kulamo kula qaadanayo madax ka tirsan shirkadda DP World isla markaana ay ka wadahadlayaan arrimo ku saabsan dekedaha Marka iyo Baraawe.

Heshiiskaan oo ah mid hordhaca ah ayaa la filayaa in labada dhinac ay isku afgartaan sidii ay ula wareegi lahaayeen dekedaha uu gacanta ku hayo maamulka K/Galbeed Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulanka madaxweynaha iyo Madaxda Ugu Sareysa Ee Shirkada DP world Oo Laga Leeyahay Dalka imaaraadka Carabta ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii Dowladda Imaaraadka carabta ay dib u dhis ugu sameyn laheyn Dekadda Marka iyo Dekadda iyo Garoonka Diyaarada Magaalada Baraawe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka  koonfur Galbed Soomaliya.

Shirkadda DP World ayaa horay ula wareegtay Dekedaha Berbera iyo Boosaaso oo ay heshiisyo kala gaar gaar ah la gashay Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Shirkaddan laga leeyahay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa qorsheyneysa inay la wareegto dhamaan Dekedaha ku yaala Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Shariif Xasan iyo Mas’uuliyiinta Shirkadda DP World ay miiska isla saareen sidii loo dhisi lahaa Dekeda Marka iyo Baraawe iyo Airport oo ku wada yaala meel istiraatiiji ah.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in la qiimeeyo Baraawe, si loo soo arko meelaha maalgashiga u baahan, waxaana la filayaa in DP World ay wafdi qiimeyn ah u soo dirto Baraawe, si ay arkaan.

Imaaraadka Carabta ayaa xilligan saameyn xooggan ku yeelanaya maamul goboleedyada dalka, iyadoo xiriir dhow la leh Madaxweynayaasha maamuladaas oo horay dalkeeda ugu yeertay

Baraawe oo ka mid aheyd magaalooyinkii qadiimiga ahaa ee Soomaaliya ayaa leh marin caalami ah oo istiraatiiji u aheyd maraakiibta oo ay Transit ahaan u isticmaali jireen xilliyadii bur burka ka hor, iyadoo laheyd buundo badda iyo magaalada afkeeda isku xirta oo lagu magacaabo Jaylaani, taasoo ku bur burtay dagaalkii labaad ee Adduunka oo Ingiriiska iyo Talyaaaniga ku dagaalameen.

Maamulka Koonfur Galeed Soomaliya ayaa noqonaya maamulkii sedexaad ee heshiis la galo Shirkada Dp world Oo Laga Leeyahay Dalka Imaaraadka Carabtahorey waxaa heshiisyo ula galay Maamulka Somali-land iyo Puntland.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: