War deg deg ah: Ganacsade lagu diley Muqdisho

WAAJIDPRESS – 11 JUN 2017:

Dabley hubeysan, ayaa goor dhow nawaaxiga Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi waxa ay ku dileen nin la sheegay inuu ahaa ganacsade.

Ninkan ayaa ahaa Sarifle, waxaana magaciisa lagu soo koobay Sheekh Axmed, iyadoo uu fariisan jiray meel aanan sidaasi kaga fogayn laamiga Afisiyooni.

Raggii dilay ninkan, ayaa meesha ka baxsaday, ka dib markii dhowr xabadood ay la dhaceen. Marxuumka, ayaa goobtaasi ugu geeriyooday rasaastii lala dhacay.

Lama oga sababta loo dilay Sheekh Axmed, balse muddooyinkii dambe Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dilalka qorsheysan, ee ay gaysanayan ragga bistooladaha la cararaya.

Ciidamada Booliska oo ka ag-dhawaa goobta dilka uu ka dhacay, ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaan, lamana soo sheegin cid ay falkaasi u soo qabteen.

Inkastoo wa-xoogaa xasilooni ah laga dareemay Caasimadda Muqdisho, ayaa waxaa hadana ka dhacaya weerarada ay gaysanayan xubnaha lala xiriiriyo nabadiidka Al Shabaab.

Ciidamada xasilinta Caasimadda, ayaa dadaal ku bixinaya, sidii ay kaga hortaggi lahaayen weerarada mintidiinta, walow aanay ciidamo joogin wado kasta oo Caasimadda ah.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: