War deg deg ah: Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya oo maanta Duqeeyey Deegaano Hoostaga Gobolka Gedo

WAAJIDPRESS – 12 JUN 2017:

Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay duqeyn khasaara gaysatay ka fuliyeen deegaano hoostagga Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Duqeyntaan ayaa diyaaradaha waxa ay la beegsadeen Tuulada Garas dulan oo qiyaastii 55-KM u jirta Magaalada Baardheere, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saddex ruux oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen duqeynta, lama soo sheegin Khasaare dhimasho ah oo ka dhashay duqeyntaasi.

Deegaanka Garas Dulan waxaa fariisin ku leh dagaalyahannada Al-shabaab, iyadoo weli dhankooda aanay wax war ah ka soo saarin duqeyntan iyo haddii ay jirto khasaare soo gaaray.

Diyaaradaha Dagaalka Kenya ayaa marar badan waxay sidan oo kale u duqeeyeen deegaanno ay ku sugan yihiin Al-shabaab oo Gedo iyo Jubbooyinka ah, waxaana khasaare uu soo gaaraa inta badan dadka shacabka ah.

Dowladda Federaalka Somaliya ayaa shalay shaacisay in weerar ay ku qaadday degmada Saakow ee gobolka Jubadda Dhexe ku burburiyeen saldhig weyn oo Al-shabaab halkaasi ku lahaayeen.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: