Madaafiic lagu weerartay xalay saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Biyo-Cadde

WAAJIDPRESS – 13 JUN 2017:

Wararka ka imaanaya deeegaanka Biya-cadde ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay madaafiic lagu weeraray saldhig ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ku leeyihiin deegaanka Biya-cadde.

Weerarkan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa la sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ay madaafiic ugu jawaabeen weerarkii lagu soo qaaday.

Mid kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada ee ka howlgala deegaanka Biyo-Cadde ayaa sheegay in weerarkaas ay iska caabiyeen waxana uu sheegay in ururka Alshabaab inay ka dambeeyeen weerarkaas.

Ma jiro wax qasaare ah oo ka dhashay weerarkan oo ahaa kii ugu horeeyay ee lagu qaado saldhiga ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaanka Biyo-Cadde.

Dhinaca kale koox ku hubeysan bastoolado ayaa xalay ku dishey xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dhalinyarada ka xoogsata suuqa weyn ee magaalada Jowhar.

Lama oga cidda ka dambeysay dilka ninkan dhalinyarda ah oo la diley xilli fiidnimo ah waxaana la sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay baxsadeen.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: