War deg deg ah: Dad badan oo ku dhintay dagaal ka dhacay Degmada Maxaas

WAAJIDPRESS – 14 JUN 2017:

Dagaal khasaaro badan gaystay, ayaa xalay ka dhacay duleedka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay beelo halkaasi wada degga.

Beelahan, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ku wada muransan yihiin deegaamayn laga samaynayay deegaanka Banyaaley oo hoos-tagga Degmadaasi Maxaas.

Cali Xaaji Xasan, Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka Degmada Maxaas, ayaa xaqiijiyay in dagaalka labadaasi beelood uu salka ku hayo khilaaf ka dhashay lahaanshiyaha dhul bannaan.

Gudoomiye Kuxigeenka, ayaa xusay in dagaalkaasi ay ku dhimatay ugu yaraan 10 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacantay.

Dhaawacyada, ayaa waxaa loo kala qaaday isbitaalada Baledweyne iyo Guriceel, sida uu xaqiijiyay Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Maxaas.

Cali Xaaji Xasan, ayaa waxaa uu ku baaqay in si deg deg ahi dagaalka loo joojiyo, beeluhuna ka wada hadlaan waxa ay isku diidan yihiin.

Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Matabaan, Ducaale Aadan Cabdi, ayaa isna sheegay in dagaalku uu salka ku hayo aanooyin xagga beelaha, oo horey uga dhacay deegaanka iyo dhul ay ku wada muransan yihiin beelaha wada dagaalamaya.

Dagaalkan, ayaa saamayn ku yeeshay xuduuda kala qaybisa Gobolada Galgaduud & Hiiraan, waxaana soo badanaya baaqyada loo jeedinayo labadaasi beelood.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: