War deg deg ah: Akhriso then DAAWO video: Weerar ismiidaamin ah oo hadda ka dhacay Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 14 JUN 2017:

Mid ka mida weerarradii ugu cuslaa ayaa lagu qaaday laba Baar oo caan ka ah magaalada Muqdisho.

Qarax aad u weyn ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa mid si xooggan looga maqlay magaalada oo dhan.

Qarax xoogan ayaa goor dhow oo caawa ah abaarihii 8:15 daqiiqo ka dhacay magaalada Muqdisho kaa soo si weyn daryankiisa loo maqlay.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay Hotel iyo maqaayad lagu magacaabo Posh Treats oo ku dhow Isgoyska Banaadir iyo maqaayad kale oo lagu magacaabo Pizza House, labada maqaayad ayaa ah kuwo caan Ka ah MUQDISHO.

Maqaayadan ayaa ah meelaha aadka ugu kulmaan dhalinyarada, sidoo kale waxaa muddooyinkan aheyd meel dadku ay aad ugu afuri jireen.

Qaraxaan ayaa ahaa mid loo adeegsaday Gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa,waxana la soo sheegaya in intaas ka dib ay Maqaaxida Gudaha u galeen rag hubeysan oo weli ku dhex jira Gudaha Maqaaxida.

waxaana la sheegay raga galay Hotelka weerarey inay wateen labiska lagu yaqaano ciidamada xasilinta sidaas ay ku gudbeen dhowr meel oo lagu baari lahaa.

Waxaa hotelkan iska leh gabar Soomaaliyeed oo la yiraah Manaar Muxiyadiin Macalin oo qurbaha ka timid, iyadoo ajnabi isugu jira Kenyan iyo Itoobiyaan ay shaqaaale ka ahaayeen sida wararku sheegayaan.

Khasaaro fara badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa iyo weerarka tooska ah ee hada soconayo.

ku dhawaad 17 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa Hotelka Posh ka dhacay iyo Weerarka tooska ah ee hada socda.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay weerar is qarxin ku bilowday ku qaaday Posh Treate, kadibna ay halkaas gudaha u galeyn ciidamo ka tirsan Al-Shabaab sida lagu sheegay websiteyada afkooda ku hadlo – DAAWO:

 

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: