Maxkamada ciidamada oo soo gaba gabeysay dhageysiga Kiiska dilkii Wasiir Siraaji (SAWIRRO)

WAAJIDPRESS – 14 JUN 2017:

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad la xariirtay Dilkii Allaha Unaxariiste Marxuum Wasiir/Xildhibaan Cabaas Cabdullaahi Sh Siraaji (oo ka soo jeedey BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE).

03-May sanadkan ayaa mid ka mid ah ilaala la socotay hanti-dhowrihii guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax uu sababsaday inuu galaafto nolosha Marxuum Cabaas Cabdullaahi Sh Siraaji oo ahaa Wasiirkii hawlaha guud kana tirsanaa Baarlamaanka Somaliya.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa horey u dalbaday in xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ay keenaan cadeymo dheeraad ah oo la xiriira kiiska, waxa ayna Maxkamadda horkeeneen Muuqaalo lagu duubay “CCTV”, Sawirro , qiraalo , qoraal cadaynaya inta uu soo maray kiiskan baaristiisa iyo heerarkii 1-aad iyo 2-aad ee dhageysiga dacwadda maanta la soo gaba-gabeeyay qeybteedii 3-aad.

Saraakiil ka socoday Hay’adaha Baarista Booliska ayaa ka hor aqriyay garsoorka cadeymo ay la socdeen muuqaal iyo sawirro kuwaasi oo muujinayay kiiska dambiga ah sida uu u dhacay.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ku eedeysay 1.D/le Xoogga, Axmed C/laahi Caydiid in uu ahaa shakhsiga ka dambeyay dilka Wasiirka iyadoo ay aqbaleen qareenada difaacayay eedeysanaha halka sidoo kale ay isku raaceen labada dhinac ee dacwada in eedda la gala noqdo askarigii kale S/Alifle Cusmaan Salaad Barre ee la saarnaa gaariga kaas oo loo qaatay in ka noqdo eedda markhaati marka loo fiiriyo kaalinta uu ku lahaa kiiska, arrinta ay isku diidan yihiin labada dhinac ayaa ah in ay wax ka badasho xeer ilaalinta qodobka dacwada ah oo ay ka dhigeen ku tala gal halka qareenada ay ku doodayeen in kiiska aanu aheyn ku tala gal balse uu ahaa mid ku dhacay qalad.

Gudoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay ugu dambeyn la soo gaba-gabeeyay kiiskan, garsoorkana ay ka soo saari doonaan xukunka kama dambeysta ah sida ugu dhaqsiyaha badan.

Allaha Unaxariiste Marxuum Wasiir/Xildhibaan Cabaas Cabdullaahi Sh Siraaji ayaa u geeriyooday xabad uu ku dhuftay mid ka mid ah ilaalada hanti dhowrihii guud ee qaranka kaasi oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed oo lagu magacaabo Axmed C/laahi ceydiid.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: