Xog: General Ka tirsan DOWLADA Farmaajo oo dil Ka badbaadey

WAAJIDPRESS – 14 JUN 2017:

General Amiin Sayid Barakow ka tirsan Ciidamada Xoogga Soomaaliya ayaa xalay ka badbaaday isku day dil kadib weerar ay Ku soo qaadeen koox bastooladley ah waxaana dhaawac uu soo gaaray mid ka mid ah ilaaladiisa.

Gen Amiin ayaa xilligii la weeraraayay waxa socod lug ah Ku maraayay Degmada Boondheere gaar ahaan nawaaxiga taalada Boondheere waxana la sheegay in uu ka cararay weerarkaasi.

Askari ka mid ah ilaaladiisa ayaa dhaawac halis ah ka soo gaaray rasaas ay is dhaafsadeen isaga iyo kooxdii weerarka soo qaaday.

Laguma guuleysan in la soo qabto kooxdaasi waxaana Ku baxay ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Taalada Boondheere ayaa Ku taala meel muhiim ah oo ay Ku xoogan tahay Dowlada Soomaaliya sidoo kalane waxay Ku dhawdahay Madaxtooyada Soomaaliya.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: