War deg deg ah: Qaraxii shalay dartiisa maanta Golaha ammaanka ayaa kordhiyay waqtiga howlgalka QM ee Soomaaliya

WAAJIDPRESS – 15 JUN 2017:

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, ayaa cambaareeyay weerarkii Al Shabaab xalay ay ku qaadeen makhaayadda Pizza House ee magaalladda Muqdishu.”Mar labaad, argagixisada, ayaa si fuleynimo ah u beegsaday dad shacab ah oo makhaayad ku sugnaa, iyaga oo adeegsanaya gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana halkaasi ay ku dileen kuna dhaaweceen dad rayid ah”, ayuu yiri Ambassador Madeira.

Dhinaca kale waxaa uu ku baaqay in si deg-deg ah ay ciidamada ammaanka uga jawaabaan ama ay uga hortagaan in dhibaato kale aysan dhicin oo qof kale naftiisa ku weyn karo.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa maanta go’aansaday in la kordhiyo waqtiga shaqada Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya, lana gaarsiiyo ilaa March 2018.

Golaha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedaha muddo kordhinta howlgalka UNSOM, waxaana y sheegeen in howlgalka uu taageero geedi socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, dhiirigelinta iyo sara u qaadida is-dhexgalka wadashaqeyneed ee ka dhexeeysa howlgalka iyo bulshada rayidka ee heer Qaran iyo heer gobolleed intaba.

Dhinaca kale waxaa walaac xooggan ay ka muujiyeen xaaladda Amni daro ee ka jirta Soomaaliya iyo Xaalada bani’aadanimada ee dib ugu soo noqotay dalka Soomaaliya, waxaana ay ku baaqeen in xaaladdaha daran ee abaarta si deg deg ah wax looga qabto.

15 xubnood ee golaha guud ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya uu xafiiska UNSOM ka taageeri doono Nabada iyo Cadaalada.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: