War deg deg ah: Nabadoon caan ahaa oo lagu Dilay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay

WAAJIDPRESS – 16 JUN 2017:

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Xalay Dableey Bastoolado wadatay ay Masaajid ku yaalla Magaalada Baydhabo ku dhex Dilay Nabadoon caan ah oo la yiraah Sheekh Maxamed Madeer oo Caan ka ahaa Magaalada Baydhabo.

ALLAHA U NAXARIISTO NABADOONKA ayaa la sheegay in Labo Wiil oo Bastoolado watay ay ugu galeen Masaajid uu ku Tukaday Salaadii Cishaha islamarkaana uu ku dhex sugayay Masaajidka Salaada Taraawiixda.

Alle ha u Naxariistee Sheekh Maxamed Madeer ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada lagu soo doortay Koofur Galbeed Baydhabo ku doortay.

Dableeydii Dilka Geysatay ayaa markiiba Goobta ka baxsatay,iyadoo Ciidamada Ammaanka ay Daqiiqado ka dib yimaadeen Masaajidka Sheekha lagu dhex dilay.

Saakay ayaa lagu wadaa Marxuunka in lagu Aaso Qabuuro ku yaalla Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah Maamul Goboleedka Koofur Galbeed.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: