War hadda soo dhacay: Nin ka soo laabtay xeryaha qaxootiga oo Kismaayo lagu dilay

WAAJIDPRESS – 16 JUN 2017:

Gelinkii dambe ee Khamiistii, ayaa waxaa Magaalada Kismaayo lagu dilay nin ka soo laabtay xeryaha qaxootiga ee ku yaala Degmada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xaaji Yuusuf, ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Farjano, iyadoona uu dilkiisa gaystay askari ka tirsan ciidamada ammaanka, ee ka hawlgala Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayo.

Askarigan oo ku heyb ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa waxaa la sheegay in dilka ka dib uu goobtaasi ka baxsaday.

Saraakiisha ciidamada ammaanka, ayaan weli ka hadlin dilka ninkaasi, waxaase macquul ah in saacadaha soo socda ay ka hadlaan.

Marxuum Cabdi Xaaji Yuusuf iyo qoyskiisa, ayaa muddo dheer ku noollaa xerada Xagardheer, waxayna dib dalka ugu soo laabteen, markii loo sheegay in amniga uu ka soo reynayo.

Qoysas fara-badan oo ku noollaa xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya, ayaa labadii sano ee la soo dhaafay soo degay Magaalada Kismaayo.

Amniga Magaalada Kismaayo, ayaa muddooyinkan dambe soo hagaayay, inkastoo xilliyada qaarkood ay ka dhacan falal liddi ku ah nabadgelyada.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: