War hadda soo dhacay: Askari lagu diley MUQDISHO

WAAJIDPRESS – 18 JUN 2017:

Saddex nin oo hubeysan ayaa maanta degmadda Dharkeenley ee gobolka Banaadir ku dilay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya.

Kooxda hubeysan ayaa sidoo kale dhaawacay askari kale oo la socday askarigii la dilay, waxaana weerarka lagu qaaday askartaasi uu ka dhacay gudaha Suuq Boocle.

Mid kamid ah ganacsatada suuqa oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay in kooxdii hubeysneed ay ka carareen goobtii dilka uu ka dhacay.

“Askarta markii la weeraray waxaa ay ku jireen goob tima jara ah oo ku dhex taalla Suuqa”,sidaasi waxaa yiri qof diiday in magiciisa la sheego oo Hiiraan Online u waramay.

Faallo u dhaaf