Wat deg deg ah: Nin u shaqeeya NGO oo hadda lagu diley BALEDWEYNE ee gobolka HIIRAAN

WAAJIDPRESS – 19 JUN 2017:

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baledweyne, ayaa sheegaya in caawa magaaladaasi lagu dilay nin ka shaqaynayay NGO lagu magacaabo Goobaale.

Marxuumka ALLAHA U NAXARIISTO oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cismaan Muumin (Fanax), ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Hawlwadaag, ka dib markii ay weerareen rag bistoolado ku hubeysnaa.

“Salaadda Cishe kadib ayay kooxo hubeysan toogteen marxuumka” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka magaaladda Beledweyne.

Raggan oo aan la garanayn cidda dhabta ahi ee ay ka tirsan yihiin, ayaa dilka ka dib ka baxsaday halkaasi, oo ay soo gaareen ciidamada ammaanka.

Dadka deegaanka, ayaa waxay xaqiijiyeen in ciidamada ammaanka ay xilligan hawlgal ka wadaan xaafadaasi, iyagoona ku raadjooggan dembiile-yaasha.

Gudoomiyaha Degmada Beledweyne, Aadan Axmed Xeefow oo xaqiijiyay dilka Ibraahim Cismaan Muumin, ayaa dhanka kale sheegay in ay carareen raggii dilay, balse ay ciidamadu ku daba jooggan.

Gudoomiyaha oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho, ayaan kala cadayn cidda ay ka tirsan yihiin kuwa dilka gaystay, hase ahaatee la kala ogaan doono baaritaanada ka dib.

Fanax, ayaa wuxuu ka tirsanaa ganacsato qandaraas ku soo qaadatay suuqyo la sheegay in laga dhisay xaafadaha Hawlwadaag, Buundoweyn iyo Xaawo Taako.

Horaantii sanadkan, ayay ahayd markii xaafadda Xaawo Taako ee Magaalada Baledweyne lagu dilay nin kale, oo ka tirsanaa ganacsatada soo qaadatay qandaraaska lagu dhisayo suuqyadan.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: