War deg deg ah: Dilalka oo Muqdisho ku soo batey iyo hadda oo nin Ganacsade ah lagu diley MUQDISHO

WAAJIDPRESS – 20 JUN 2017:

Nin ganacsade ahaa ayaa xalay lagu toogtay duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Tabeelaha Sheekh oo ah meesha ay dagan yihiin dadka ugu badan ee Barakacayaasha ah ee soo gaaray duleedka Magaalada Muqdisho.

ALLAHA U NAXARIISTO Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/kariin C/qaadir Maxamed, waxaana la sheegay dilkiisa inuu ka dambeeyay askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Askariga iyo ninka ganacsadaha ah ayaa waxaa dhexmaray muran, waxaana taasi ay keentay in askariga uu rasaas la dhaco, ninka ganacsadaha ahaa oo durba meesha ku nafbaxay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay askariga falkaasi dilka ah gaystay inuu durba meesha ka baxsaday oo aysan jirin cid soo qabatay.

Ninka ganacsadaha ah ee la dilay, ayaa goob ganacsi wuxuu ku lahaa deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahin, waxaana lagu wadaa saaka in lagu aaso qabuuraha deegaanka Tareedisho.

Ciidamada dowladda ayaa xilliyada ay wada murmaan dadka shacabka ah waxa ay u adeegsadaan awooda qoriga oo ay ku dilaan qofka shacabka ah ama ay ku dhaawacaan.

Dowladda Somaliya ayaa horay u balan qaaday askari kasta oo ka tirsan ciidamada dowladda ee dil bareer ah gaysta in la marsiin doono sharciga.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: