War deg deg ah Akhriso then DAAWO: Qarax xoogan oo gaari laga soo buuxiyey oo hadda Ka dhacay MUQDISHO

WAAJIDPRESS – 20 JUN 2017:

Qarax ismidaamin ah oo gaariga loo adeegsaday ee ka dhacay Degmada Wadajir, iyadoo khasaare kala duwan uu ka dhashay qaraxaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu dhuftay Iridda hore ee Xarunta Degmada Wadajir, halkaasi oo ay ku sugnaayeen masuuliyiinta Maamulka Degmada Wadajir iyo dad shacab ah oo Banaanka xarunta ku sugnaa.

Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 20 qof ayaa ku dhintay , Tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen Qaraxii Ismiidaamin ee maanta ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Khasaaraha ugu badan ayaa soo gaaray Dad Rayid ah oo ka dukaameysanayay Suuqa weyn ee degmada Wadajir.

Dhaawacyo badan ayaa haatan loo dabulayaa xarumaha Caafimaadka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa wararka qaar sheegayaan in loo adeegsaday Gaari siday Moos oo nuuciisu yahay Caasi ama Homey.

Bur bur xoogan ayaa soo gaaray dhismaha xarunta Degmada Wadajir, iyadoo halkaasi iminka ay ku sugan yihiin Saraakiisha ciidamada dowladda oo wadada xiray.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira Gudoomiyaha Degmada Wadajir,  Xoghayaha iyo Gudoomiyaha Haweenka Degmadaasi,  Sidoo kale waxaa halkaasi ku dhaawacmay dad kale oo ay ku jiraan Ciidamada ilaalada Degmada

Al-shabaab ayaa la sheegay iney xeelad cusub oo la yaab leh u adeegsatay sidii gaarigan qaraxa waday loo geyn lahaa gudaha xarunta degmada Wadajir.

Saraakiil ka tirsan maamulka degmada Wadajir ayaa sheegay gaariga qarxay oo moos fara badan ku rarnaa uu soo joogsaday Suuqa degmada Wadajir, uuna halkaas ku qabtay askari ka tirsan kuwa dowlada hoose oo weydiiyey inuu bixiyo canshuurta mooska ku raran.

Hase ahaatee darawalka gaariga waday ayaa la sheegay inuu si ku talo gal ah u diiday inuu bixiyo canshuurta la weydiiyey si isaga iyo gaarigiisa loo geeyo xarunta degmada uuna howshiisa halkaas uga fushado.

Askariga canshuurta loo diiday oo aan ka war heyn qaraxa ku dhex jira mooska gaariga saaran iyo ujeedada uu darawalku ka leeyahay diidmada canshuurta ayaa gaariga ka soo raacay shirka isagoo amray darawalka inuu degmada u raaco.

Darawalka oo siduu doonayey ay wax walba u socdaan ayaa gaariga dhaqaajiyey, waxaana la sheegay in afaafka hore ee xarunta degmada Wadajir ay ku joojiyeen askar halkaas ilaalo ka aheyd oo bar kontrolna ay u taallo, hase ahaatee askariga soo qabtay gaariga oo shirka saarnaa ayaa askartii kale ka codsaday in gaarigan dacwad loo heysto ayna ka qaadaan birta, gaarigan ayaana si lama filaan ah u qarxay markii uu gudaha u galay xarunta degmada.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa ismiidaaminta ee ka dhacay xarunta degmada Wadajir – DAAWO:

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: