War deg deg ah: Nabadoon caan ah oo Lagu diley Magaalada Qoryooley iyo Nin kale oo lagu diley…..

WAAJIDPRESS – 22 JUN 2017:

Mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee sida weyn looga garanayo Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa fiidnimadii xalay lagu dilay degmadaasi.

Sheekh Ibraahim Kaba-cadde, ayaa waxaa lagu dilay afaafka hore Masaajid uu ku soo tukaday Salaaddii Maqrib, ka dib markii ay soo weerareen rag bistoolado ku hubeysnaa.

Ragga dilka gaystay oo tiradoodu laba nin lagu sheegay, ayaa waxaa la tilmaamay in ay qaarka sare ka toogteen Sheekh Ibraahim, iyadoo uu goobtaasi ugu geeriyooday rasaastii ay la dhaceen.

Goobjooge-yaal, ayaa waxay sheegeen in ragga dilka gaystay ay Oday Dhaqameedka ku suggayeen bannaanka Masaajidka, intii ay dadka ku tukanayeen Masaajidkaasi. Goobjooge-yaasha waxay kaloo sheegeen in ay baxsadeen dhagar-qabayaasha dilka ka dib.

Dhinaca kale, maanta magaalada Muqdisho,

Rag bistoolado ku hubeysnaa, ayaa goor dhow waxay nin ku toogteen oo ay ku dileen Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir.

Raggan oo si dhow loola xiriirinayo maleeshiyada Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa la sheegay in ay ninkaasi ku dileen xaafadda Dabakaayo Madow.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ninka la dilay uu ahaa askari Ciidanka Booliska ka tirsan, iyadoona horey looga sii qaatay qori AK47 ahaa oo uu watay.

Goobjooge, ayaa sheegay in ragga wax dilay ay wateen dhugdhugley, isla-markaana ay halkaasi ka sii qaateen qorigii uu watay askarigaasi. Askarigan waxaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed Toosow.

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: